Sida Loo Daryeelo Wajiga -Maalin Walba

Daryeelka Wajiga ee Maalinlaha ah

Daryeelida wajiga (routine)

waa in qofku ilaaliyo ama ka taxadaro nadaafada, bed-qabka, quruxda iyo daryeelka wajigiisa kana dhowro wixii dhaawici kara oo dhan.

Hadaba maqaarka caafimaadka qabaa ma dhaco ama ma aha wax habeen kaliya ku dhici kara waxa uu u baahan yahay in la joogteeyo daryeelkiisa ( Routine Care ) iyo in sare loo qaado fayo-qabkiisa la xoojiyo difaaciisa la daryeelo nafaqadiisa Iwm. Si aad u hesho natiijo qurux badan.

Habada si aad wajigaaga si fiican ugu daryeelo raac tallaabooyin muhiimka ah ee daryeelka wajiga 

  • Barro sida loo daryeelo wajigaaga.
  • Samayso jadwal ama waqti aad ku daryeesho wajigaaga.
  • Si fiican u isticmaal hadii dawo ama kiriim ku qoro qof xidfadle ah.

Hadaba si aad u dooratid nadaamka daryeel ee ugu haboon wajigaaga fahan nooca maqaarkaaga , ma mid dufan badan leh baa, ma mid qalalan baa, ma finan iyo elerji baad leedahay si aad u doorato waxyaalaha ku haboon maqaarkaaga sida saliidaha, kiriimada iyo saabuunaha. Hadii aanad fahmi karin waxa aad ku baahan tahay inaad u tagto dhakhtar ama qof kale oo aqoon u leh.

Hadaba si aad u barato sida loo daryeelo wajigaaga waxa aan kula wadaagi doonaa qodobo muhiima kuwaas oo lagu daryeelo wajiga oo maalintii mar ama la jeer loo baahan yahay inaad samayso, kuwaas oo sare u qaada quruxda, nadaafada, caafimaadka, iyo difaaca wajiga. Waxana u baahan yihiin in la joogteeyo dhamaantood.

Hadaba Si aad ilaaliso bilicda, midabka iyo quruxda wajigaa raac qodobadan hoos ku qoran.

  1. Nadiifi Wajigaaga: hadaba si aad wajiga uga ilaaliso wasakhda, ugana saarto waxyaabaha laysku qurxiyo ku nadiifi wajigaaga nadiifiye khafiif ah oo ku haboon wajigaaga.
  2. Isticmaal Looshin (toner): markaad wajiga nadiifiso ka dib istimaal looshininada isu dheeli-tira aysiidha iyo biyaha wajiga.
  3. Ka hortag qalalka: isticmaal kiriimada ka hortaga qalalka wejiga ee ku haboon wajigaaga.
  4. Kiriimada Cadceeda: isticmaal kiriimada maqaarka ka ilaaliya cadceeda kana difaaca falaadhaha qoraxda.
  5. Isticmaal waxyaabaha wajiga lagaga nadiifiyo unugyada maqaarka ee dhintay iyo washakhda ee loo yaqaan face Masks-ka.
  6. Kiriim marso habeenkii: kiriimka wajiga habeenkii la sii mariyo intaanad seexan waxa uu wajiga ka ilaaliya qalalka waxa uu siiyaa nafaqo, bilic, iyo qurux.

Xusuusnoow: inaad maqaarkaaga u doortid dayeelka ugu ugu haboon iyo alaabta ugu haboon ee aad ku qurxinaysid wixi xogo dheeraad ah la tasho dhaktar.

Waxa loo baahan yahay inad joogta ah u nadiifiso wajigaaga una daryeesho tallooyinkan waxa la sameeyaa maalintii mar ama laba.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *