10 Talaabo oo si dhakhso ah u bedelaya Noloshaada

isbedelka nolosha

Gebi ahaanba waa suurtogal inaad barato sida loo bedelo noloshaada oo aad ugu noolaato riyadaada una gaadho hamigaaga, waxa laga yaabaa inaanad dareemin inay sidaas noqon karto. Waa wax run ah. Hadii aad hareerahaaga eegto waxa aduunka ku nool qof ku soo koray, waqti, iyo xaalad la mida sidaada, kaas oo ku guulaystay in uu noloshiisa wax ka bedelo. 

Markaa waa suurta gal inaad noloshaada si wayn u bedesho lkn taas macnaheedu maaha inay fududahay

Markaa hadii aad rabto inaad noloshaada wax ka bedesho raac dabeecadahan soo socda.

1. Go’aanso inaad bedesho noloshaada

Waxay u muuqan kartaa si cad lkn tani waxa laga yaabaa inay tahay qaybta ugu adag ee bedelka noloshaada. Sababtoo ah maaha wax fudud inaad bedesho noloshadii iyo dabeecadahaagii hore, marka hore tani waxay noqon kartaa mid cabsi badan iyo ku xidhan sababta aad rabto inaad u bedesho noloshaada riyadaadu waxay horsewdi kartaa inad ka guurto wadankaaga magaaladada aadna u guurto wadan ama magaalo aanad cidna ka garanayn, waxa laga yaabaa inaad u baahato inaad iska dayso saaxiibtinimo aad lahayd mudo dheer si aad boos ugu abuurto kuwo cusub, ganacsi ama meherado kale oo aad lahayd si aad u raacdo riyada isbedelkaaga.

Si kale hadii aan u dhigno isbedelku waa qaadashada go’aamo adag taas oo ku. xidhan sidee ayaad rabtaa inaad noloshaada u bedesho? Maxaad doonaysaa inaad samayso. Marka aad go’aansato inaad bedesho noloshaada waa suurtagal inaad gaadho mahigaaga.

2. Yeelo adkaysi

Hadii aad rabto inaad barato sida loo bedelo noloshaada gebi ahaanba waa ina macalsalaamaysaa fadhiga, nasashada iyo raaxad si aad u gaadho hamigaaga taas oo kuu sahlaysa inaad ka gudubto noloshaadi hore una gudubto isbedelka nolosha ee cusub iyo nolol cusub.

Markaa caaadayso inaad ka fogaato agaaga raaxada tusaale ahaan.

  1. Ku dedaal cidaada illaahay xiligeeda
  2. Ha cunin cunto isku mida laba waqti maalintii
  3. Samayso jadwal shaqo, mid jimic iyo akhris
  4. Waqtigaaga ha ku lumin sheekaysi, asxaab iyo hadal
  5. Daawo filimada ifiiminta maskaxda
  6. Daawo filimada dhiiri gelinta

3. Aqoonso sababta aad rabto inaad noloshaada u bedesho

Marka aad ka shaqaynayso sidii aad noloshaadacu bedeli lahayd inta badan way fududahay inaad bilowdo go’aaminta wax aanad rabin ka hor intaanad baadhin wax aad rabto. Hadaba qor dhinacyada noloshaada ee aanad jeclayn. Ma neceb tahay shaqadaada?. Ma jeceshahay meesha aad ku nooshahay noloshaada bulsho ama sida aad dareemayso inta badan?. Ma jiraan duruufo ama caadooyin wax dumiya oo aad rabto inaad ka gudubto? Waxyaabahaas ha isku mashquulin kaliya qoro ka dibna u gudub tallaabada ku xigta si dhakhso ah.

4. Qeex isbedelka aad rabto inaad samayso

Hada waa waqtigii aad heli lahayd hal-abuur hadaba sideed u rabtaa inaad wax uga bedesho noloshaada? Waxa  laga yaaba inaad jeceshahay:

  1. Inaad bilowdo ganacsi cusub
  2. Inaad u guurto deegaan cusub
  3. Inaad samaysato asxaab cusub
  4. Inaad samayso horumar cusub
  5. Inaad dhisto kalsoonida naftaada 
  6. Inad joogiso caadooyin xun xun oo aad lahayd

Wax kasta oo ay tahay isla marka aad ka fikirto fikrad, waxa laga yaabaa inuu jiro cod madaxaaga ku soo dhacaya oo kuu sheegaya dhamaan sababaha firadaadu inay tahay nacas, aan marnaba suurtogal ahayn, ama weligeed shaqayn mayso. Ha dhegaysan codkaas hana ka biqin isbedelka weligaa. Waxwalba waa suurtogal, si kasta oo aad tahay yada oo aan loo eegin waxa aad samaysay, iyada oo aan loo eegin meesha aad ka timi, marwalba wad bebeli kartaa noloshaada, noqo mid aragti dheer leh.

5. Aqoonso waxyaabaha dib kuu celin kara

Marka xigta aqoonso caadooyin kasta, qaababka fikirka ee soo noqnoqda, ama dadka kaa celin kara inaad isbedel nololeed samayso. Tusaale ahaan:

  1. Dib ma u dhigataa?
  2. Daawashada filimada, baraha bulshadu kulmaan, maandooriyayaasha, iyo ciyaaraha,wixii la mida
  3. Ha qaadan hadalada xun xun ee naftaadu kubleedahay
  4. Ka fogow dadka xun xun ee kaa niyad jabiya inaad is bedesho

Hadaba hadii aad ku dhibaatoonayso inaad noloshaada wax ka bedesho isku day inaad caawinad ama kaalmo waydiisato qof qoyskaga ka mida kaas oo aad ku kalsoon tahay, kana digtoonoow hagardaamooyinka ka hor intaanay kugu dhicin. Lkn mar labaad ka ku mashquulin waxyaabaha xun kaliya qor oo u gudub talaabada xigta sida ugu dhakhsaha badan

6. Door hal shay

Marka aad baranayso sida loo bedelo gebi ahaanba noloshada waxa muhiim ah inaad xasuusnaato in habkani qaadanayo waqt, dhamaan isbedelku ma dhici karo halmar, hadii aad isku daydo inaad halmar wax badan ka bedesho noloshaada, waxa ay u badan tahay inaad dareemi doonto culaysi, gabina doonto, aadna ku noqon doonto habkaagii hore ee aad u noolayd. Marka hal shay samee ku guulayso ka dibna u gudub mid kale. Diirada saar hal isbedel sida inaad u guurto magaalo kale , ku bedelista shaqada mida kale, qabantinka caado fiican caadooyinka muhiinka ahi waxay dhiirigeliyaan helista caadooyin kale oo fiican,

7. Keenso fikrado fiican ama yoolal

Hadii aad rabto inad guulasato samayso yooyal iyo fikrado fiican oo shaqayna

  1. Si cad u qeex hadafkaaga
  2.  Deji khad si aad u ogaato goorta aad gaadhay yoolka ama hadafkaaga
  3. xaqiiji in hadafkaagu yahay mid waaqici ah xilliga la qabtay 
  4. Deji hadaf kaa caawin doona inaad wax ka bedeaho noloshaada gudaha
  5. Samayso waqti kama danbays ah si aad naftaada ugu dhiiri geliso inaad gaadho yoolkaaga

8. Diyaar u ahoow duufaanada

Dhamaan isbedelada waawayn waxa ka horaysa fowdo waxa sidaa yidhi macalinka wayn ee deepak chopra.

Si kale hadii aan u dhigno waxa laga yaabaa inaad dareento daal iyo diiqad badan, waxa laga yaaba codad madaxaaga ka guuxaya oo sheegaya waxyaabo ay ka mid yihiin .”weligaa isma bedeli doontid”  hadhow ayaad samayn doontaa” si kastaba ha ahaatee waa maxay macnuhu.” Waxa jira dad noloshaada ka mida oo isku diyaariyay inay saamayn kugu yeeshaan rabana inad sidooda ahaato, guntii iyo gabagabdii. Waxa soo socda waqtiyo adag sidaa darteed hadii aad runtii rabto inaad noloshaada u bedesho si wanaagsan u diyaari duufaanada ka  hor intaanay dhicin.,

Isku day inaad naftaada ka fogayso waxyaabaha u horseedi kara caadooyinka xun xun. Tusaale ahaan hadii aad isku daydo inaad hagaajiso cuntadaada iyo jidh-dhigaaga dhamaan waxa aad ka saari kartaa gurigaaga cuntada aan caafimaadka lahayn. Inkasta oo aanay jirin xeelad badali karta dhiirigelinta gudaha iyo wadista waxa ku caawin kartaa naftaada si aad uga baxdo duufaanada ila ay kalsoonida iyo dhiirigelintu ku soo noqonayso.

9. Ha tegin qoyskaaga iyo asxaabtaada

Ma jiro qof kaligii wax wayn. Sameeya, marka aad baranayso sida aad noloshaada ugu badali lahayd si ka wanagsan, ha ilaawin inaad u baahan tahay taageerada dad kale, intaa waxa dheer waxad u baahan tahay inaad maamusho sidoo kale dadka sida firfircoon kuu celinaya ama kaaga niyad  jebinaya inaad bedesho noloshaada, sida uu yidhi qoraaga john eliot isla markaa uu qof kastaa bilaabo inuu kuu sheego inaad “waaqici tahay” waxa aad ka gudubta liiska markhaatiga , eeg si dareenle dad badan ma  jeclayn marka aad bilowdo inaad isbedel ku samayso noloshaada – lkn taas macnaheedu ma aha inay dad xun, xasuusnow isbedelku waa cabsi aan raaxo layn, aan dareen lahayn.

Weli hadii aad rabto inaad noloshaada wax ka bedesho waxa laga yaabaa inaad u baahato inaad naftaada ka ilaaliso dadka yagoo yimir la,aan ah isku daya inay dib kuugu soo celiyaan qofkii hore ee aad ahayd. Isbedelka noloshaada waxa inta badan macnaheedu noqon karaa isbedelka asxaabtaada.waxkasta oo aad samayso ha iloobin in dadka aad waqtiga la qaadato ay saamayn ku leeyihiin noloshaada.

10. Ka fogow

Hadii aad rabto inaad ogaato sida aad noloshaada u bedesho 30 maalmood gudahood waxaad ku dhibtoon doontaa inaad samayso isbedel macno leh, dadka ugu guulaha badan waxa ay ka fekeraan mustaqbal fog.

Bill gattes. Oo ah mulkiilaha Microsoft ayaa yidhi dadka badankiisu waxa ay ku qiimeeyaan guulaha ay gaadhaan hal sano waxa ayna dhayalsadaan waxa ay ku qabsan karaan toban sano. Sidaa darteed naftaad ku deji Hadii aad rabto inaad ogaato sida aad noloshaada u bedesho 30 maalmood gudahood waxaad ku dhibtoon doontaa inaad samayso isbedel macno leh, dadka ugu guulaha badan waxa ay ka fekeraan mustaqbal fog.

Bill gattes. Oo ah mulkiilaha Microsoft ayaa yidhi dadka badankiisu waxa ay ku qiimeeyaan guulaha ay gaadhaan hal sano waxa ayna dhayalsadaan waxa ay ku qabsan karaan toban sano. Sidaa darteed naftaad ku deji mudada dheer oo samir, sidoo kale diirada saar habka , ha saarin natiijooyinka , waa tan waxa aan ula jeedo. Hadii aad rabto inaad korto buur oo aad ka fekerto uun waa adayg weligaa ma samayn doontid, ha ka fekerin uu adayga ee ka ferker tabarka aad ku kori lahayd iyo dedaalka iyo isku diyaarinta sidii aad u fuuli lahayd kuwaas oo kordhiya guushaada iyo inaad gaadho dhaamaadka.

FG/: hadaba maadaama aan nahay dad muslin ah markaada rabto inaad noloshaada wax ka bedesho waxa muhiim ah inaad allah talla saarato ka dibna aad go’aansato inaad isbedel nololeed oo qurux badan samayso markaa wad guulaysan doontaa insha allhdheer oo samir, sidoo kale diirada saar habka , ha saarin natiijooyinka , waa tan waxa aan ula jeedo. Hadii aad rabto inaad korto buur oo aad ka fekerto uun waa adayg weligaa ma samayn doontid, ha ka fekerin uu adayga ee ka ferker tabarka aad ku kori lahayd iyo dedaalka iyo isku diyaarinta sidii aad u fuuli lahayd kuwaas oo kordhiya guushaada iyo inaad gaadho dhaamaadka.

FG/: hadaba maadaama aan nahay dad muslin ah markaada rabto inaad noloshaada wax ka bedesho waxa muhiim ah inaad allah talla saarato ka dibna aad go’aansato inaad isbedel nololeed oo qurux badan samayso markaa wad guulaysan doontaa insha allh.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *