Search
Close this search box.
ultimatewishbook

Dadka buur buuran: fikirada, dabeecadaha iyo dhaqamada lagu yareeyo miisaanka

Maaraynta ama yaraynta miisaanku waxay ku lug leedahay qaadashada qaab nololeed caafimaad leh oo ay hormuud u yihiin qaadashada nafaqada iyo jimicsigu, dabeecadaha wanaaagsan iyo dhiirigelinta saxda ah.

Awoodaha gudaha sida caafimad qabka wanaagsan, in uu qofku is xakameeyo iyo isku kalsoonaantu waxay qayb mugle ka qaataan firsadaha guusha, dhimista iyo maaraynta miisaanka.

Hadaba maskaxda ku hay inaad yeelato yoolal macquul ah iyo inaad ka fikirto quul mustaqbal waqti dheer ah, aamin naftaada, wad samayn kartaaye. Macluumaadka soo socda ayaa ku siin doona fikrado kaa caawinaya inaad  gaadho hadafka ama yoolkaaga.

Xakamee dhaqankaaga guriga

Si aad u xakamayso miisaanakaaga waa inad ku dhaqantaa talaabooyinkan soo socda marka aad guriga joogto.

  • Wax cun keliya marka aad fadhido miiska qolka cuntada ama kijada, ha cunin marka aad daawanayso telefayshinka, wax akhrinayso, telefanka ku hadlayso iyo xiliyada la mid ka ah
  • Ka ilaali cuntooyinka soo jiidashada badan gurigaaga  ha soo iibsan
  • Iska ilaali soo jiidashada leh ee koloriiska badan
  • Hadii aanad cunto diyaarinayn ka fogow kijada.
  • Hayso cuntooyin fudud oo caafimaad leh sda qaybo yar yar oo khudaar ah , snaks iyo jiis iwm. lahayn dufan badan

Xakamee cuntadaada xiliga shaqada

In aad xakamayso cuntadaaada xiliga aad shaqada ku jirto waxay qayb wayn ka qaadataa ilaalinta miisanka . Waxanad ku xakamayn kartaa talaabooyinkan soo socda.

  • Ha dhigan miiska shaqada cunto fudud ,hana cunin xiliga shaqada
  • Hadii aad joogto shaqada xiliga cuntada samayso qorshe cunto fudud oo caafimadle oo aad cunto
  • Hadii aad hesho nasasho samee lug ama socod intii aad wax cuni lahayd
  • Hadii aad ka shaqaynayso agagaarka cubtada sii qorshayso hal shay oo aad cunto xiliga cuntada
  • Ha ku shaqayn cunta, cuntada oo lagu shaqeeya waxay hoos u dhiigtaa dheefshiidka waxana ay kugu sababi kartaa cunto badni
  • Hadii aad waqti u helayso cuntada xiliga shaqada soo qaado cunto fudud oo caafimaadle , si degan u cun , isticmaal cuntooyinka koloriisku iyo dufanku ku yar yahay.

Xakamee cuntada aad cunayso xilliga cuntada

Xilliga aad cuntada cunayso waxa jira talaabooyn muhiim ah oo kaa caawinaya inaa xakamayso miisaanka waxana ka mida kuwa soo socda.

  • Ku diyaarso saxanka aad wax ku cayso shoolada ama kijada ha saarin miiska cuntada. Hadii aad saartana isla mariiba ka qaad 
  • Qayb ka mida saxanka cuntada ka soo buuxo khudrad iyo booratiin kaliya
  • Isticmaal saxamo iyo madiibado yar yar kuwaas oo u eekaan kara markay ay cuntadu ku jiro kuwo waawayn oo buux
  • Iska ilaali inaad ku noqnoqoto cuntada

Xakamee cuntadaada  si maalinle ah

Waxa jira talooyin iyo talaabooyin kaa caawin kara inaad ku xakamayso miisaankaaga kuwaas oo aad ku dabakhi karto dhaq dhaqaaqaaga maalin laha ah waxana ka mida kuwan soo socda.

  • Ku bedel cuntada waqtiga badan ee maalintii arin kale oo aan la xidhiidhin cubto
  • Ha cunin cuntada ilaa aad gaajo dareento
  • Cab koob wayn oo biyo ah inta aanad cunin cuntada ka hor
  • Hayso caag wayn oo biyo ah oo aad cabtid maalintii oo dhan
  • Ka fogow cuntooyinka kaloriiska sare leh sida kiriimka, bunka, subaga.

Xiliga dukaamaysiga cuntada

Waxa jira talaabooyin  muhiim ah oo loo baahan yahay in qofku raaco xilliga dukaamaysiga waxana ka mida kuwan soo socada.

  • Wax ha iibsan marka aad gaajaysan tahay ama daalan tahay
  • Marka aad wax iibsanayso liisto wax ku iibso ha iibsan wax aan liiskaaga ku jirin
  • Hadii ay qasab tahay inaad cunto iibsato iibso baakado cunto ah oo leh koloriis yar, iyo dufan yar ahna cuntooyin caafimaadle
  • Ha dhadhamin cuntooyinka tijaabada ah ee dukaamada dhexdooda
  • Akhri calaamadaha cuntada is barbar dhig waxyaabaha kaa caawinaya inaad samayso doorashooyinkaaga ugu caafimaadka badan markaa ka dib qaado

Xilliga cunto diyaarinta

Waxa jiro habab kaa caawin kara xamaynta miisaanka  xiliga aad dhiyaaranayso cunta waxana ka mida.

  • Calaasho xajo marka aad cuntada karinayso
  • Hadii aad doonayso inad cuntada dhadhamiso ka badsan qaado badhkeed
  • Isku day inaad hagaajiso kaliya wax aad cuni doonto adiga oo aan naftaada fursad siinayn
  • Hadii aad diyaarisay cunto ka badan intii aad cuni lahayd u qaybi meelo kala duwan iyo xilliyo kala duwan talaagada geli.
  • Ha cunin cunto fudud marka aad cunto karinayso

Xilliga cuntada

Marka aad cuntada cunayso waxa jira talaabooyin muhiima oo aad raaci karto si aad u xakamayso miisaankaaga.

Nadiifinta hadhaaga

Hadhaaga cuntada hadii aad u baahantahay ku calamadayso cunto gaara sida cunto fudud, kuna rid qaboojiha .

Cuntooyinka debeda laga cuno

Waxa jira talaabooyin muhiima oo la raaco marka la eegayo cuntooyinka debeda laga cuno si loo dhimo miisaaka.

  • Hadaad gaajo dareento xilliga aad banaanka joogto cun cunto khafiiqa
  • Isku day inaad cunto cuntooyinka koloriisku ku yar yahay, sida khudrada, fuutiska iyo qaybo yay yar oo ka mida cuntooyinka caafimadkableh
  • Cun cuntooyinka aad jeceshay lkn xadi yar.
  • Ha cunin cuntooyinka soodhah leh
pexels ron lach 9579322

Marka aad joogto meheradaha cuntada laga cuno

Waxa jira talaabooyinka muhiin ah oo la raaco marka la joogo cuntada laga cuno waxa ka mida kuwan soo socda

  • Dalbo qaar ka mida khudaarta iyo cuntooyinka fudud halkii aad ka cuni rooti ama cunto fudud.
  • Hadii aad dalbato saxan cubto ah oo koloriis badan cid ha kula cunto
  • Ha dalban ama ha cunin cunto xad dhaaf ah waayo ha qasaarin cuntada 
  • Hadii aad u baahan tahay rooti dalbo hal xabo keliya, codso cunto aan lahayn dufan,saliid iyo khal. 

Marka aad la joogto guryaha asxaabtaada

Xilliyada aad la joogto saaxiibada waxad samayn kartaa talaabooyinkan soo socda si aad u ilaaliso miisaankaa ama u dhinto.

  • Ku rido saxanka cuntooyinka koloriisku ku yar yahay
  • U adeeg naftaada oo rido xadi aan badnayn oo cunto ah
  • Istaag ama fadhiiso meel ka fog miiska cuntada
  • Ka fogow kijada ama is mashquuli hadii aad u dhowdahay cuntada.
pexels tima miroshnichenko 5591187

Xilligaa aad guriga iska joogto -xilliga madadaalada

Xilliga aad xaafada joogto waxa jira talaabooyin oo lagu dhimo miisaanka sida marka aad daawanayso telefishinka waxana ka mida. 

  • Akhriso buugaagta cuntooyinka dufanku ku yar yahay
  • Isticmaal cuntooyin fudud 
  • Isticmaal cuntooyinka leh koliriiska yar iyo macmacaan kolirii yar
ss

Maalmaha Fasax

Xiliyada fasaxa waxa jira hab dhaqan cunto oo lagu yareeyo miisaanka waxana ka mida.

  • Ka ilaali cuntooyink soo jiidashada leh gurigaaga
  • Qurxi gurigaaga adigoon cunto isticmaalin
  • Diyaarso cabitaano koloriis yar leh iyo cuntooyin loogu talagalay martida 
  • Qorshayso cunto cun caafimadle maalintii oo joogta ah

Si wanaagsan u jimicso

Waxyaabaha lagu maareeyo miiska waxa ugu horeeya jimicsiga hada la soco talaabooyinkan is aad u xakamayso miisankaaga.

  • Ka dhig jimicsiga waxqabadkaaga mudnaanta iyo qorshahaaga ugu horeeya maalintii
  • Lugee muddo xiliga aad waqti hesho u yaraan
  • Tag qolka lagu jimic sado jiimka
  • La lugee saaxiibadaa
  • U lugee suuqa marka aad wax soo iibsanayso
  • Maalmaha fasaxa lugee ama baaskiil kaxayso
pexels zakaria 2827392

Yeelo dabeecad caafimaad qabta

Waxa jira dabeecado wanaagsan oo aad ku xakamayn kartid miisaankaga waxana ka mida ku wan soo socda.

  • Samayso qorshe caafimaad qaba oo aad ku, dhibto, ilaaliso, kuna joogtayso miisaankaaga
  • Noqo qof macquul ah, yeelo yool aad ku gaadhayso caafimaad qab.
  • Xooga saar qaab cunteed caafimaad qaba lkn xooga ha saarin cunto badan
  • Ka fikir waqti dheer waxad horumarisaa dhaqamo cusub oo caafimaad qaba oo ugu dhaqanto  si joogto ah si aad u gaadho guul 
pexels william fortunato 6140715

FD/: Maskaxda ku hay hababka aan kor ku soo xusnay iyo kuwo kale oo badan ba waxa lagu xakameeya, yareeyaa, lagu ilaaliyaa, lagu dhimaa miiska lkn waxay u baahan tahay joogtay, dedaal, adkaysi, go’aan iyo samir. 

Markaa hadii aanad intaa samayn guusha si fudud laguma gaadhi karo. 

Share This Article