You are currently viewing Sigaarka: Dhibaatooyinka caafimaad ee laga dhaxlo |13 waxyeelo.

Sigaarka: Dhibaatooyinka caafimaad ee laga dhaxlo |13 waxyeelo.

  • Post author:
  • Post last modified:January 2, 2024

dhibaatooyinka sigaarka

Cabida sigaarku waxay keentaa cuduro, naafanimo, wuxuna dhaawacaa xubin kasta oo jidhka ka mida .

Xiligan la joogo dad badan oo dadyowga caalamka ah ayaa la nool xaalado caafimaad daro oo ay sababtay cabida sigaarku qaar kaloo badana way u dhintaan maalin kasta.

Sigaar wuxu sababaa dhibaatooyin caafimaad oo waawayn waxana ka mida , wadne xanuun kanserka ku dhaca dhamaan , jidhka , wadne istaag , istaroog iwm.”

Hadaba cabida sigaarku waxay dhaawici kartaa xubnaha jidhkaaga waxayna si xun u saamayn kartaa caafimaadkaaga guud. 

Cabida sigaarku sidoo kale waxay kordhin kartaa bararka jidhkaaga oo dhan taas oo si xun i saamayn karta difaaca jidhka iyo inaad u nuglaato igfashinka.

Farqiga u dhexeeya qofka sigaarka aan cabin iyo ka caba sawirka ayaa muujinay.

logo

Cabida sigaarka iyo kansarka ( cancer )

Cabida sigaarku waa mid ka mida waxyaabaha igu badan ee qofka ku sababi kara kansarka jidhka waxana ka mida kansarada uu kugu sababi karo.

  • Kansarka kaadi haysta 
  • Kansarka dhiiga ( acute myeloid leukemia)
  • Kansarka ku dhaca cervical-ka
  • Kansarka hunguriga cad iyo hunguriga cas
  • Kansarka kelyaha iyo ka ilmo galeenka
  • Kansarka beerka iyo ganaca
  • Kansarka dhuunta, carabka dhabxanaga iyo qanjaha
  • Sidoo kansarada ku dhaca meel kasta oo sambabka ka mida

Sigaara iyo maskaxda 

Sigaarka waxa ku jirta maado la yidhaahdo nicotine taas qofka dhigta inuu qabatimo cabida sigaarka, taas maskaxda ku gaadha ilbidhiqsiyo marka qofku cabo waxay ay tamar siisa mudyar lkn marka dumadaas yari dhamaato waxa laga yaabaa in qofku dareemo daal badan.

Hadaba nicotine tu waxay waxyeeshaa awoodaha fikir ee qofka, waxana laga dhaxlaa:

  • Niyad , welwel iyo walaac
  • Deganaanshiiyo la,aan
  • Madax xanuun iyo dhibaatooyin dha hurdada ah

Cabida sigaarka waxyeelada dhanka indhaha

Sigaar cabista mudada dheer waxay waxay saamayn kartaa aragaaga iyo neerfaha araga. waxayna kuu horseedi kartaa inaad yeelato xaalado gaar ah oo saameeya indhaha waxana ka mida :

  • Gloucama: waa xunuun indhaha ku dhacaa kaas dhaawa araga indha iyo neerfaha indhaha
  • Cataracts: waa xanuun indhaha ku dhaca kaas oo qof ku baahanayo araga daruuriga ah sida muraayadaha
  • Age-related muscular degeneration taas oo in araga ratiinuhu lumo (central vision loss)

Waxyeelada sambabka ee cabista sigaarka

Cabida sigaarku waxay dhaawacdaa marinka hawada kiisha haweedyada ( alveoli ) sambada iyo cillia : kuwaas oo ah qaab- dhismeedyo timo u eeg oo ka hortaga wasakh iyo xab inay galaan sambabada waxana ka mida dhibaatiynka uu ku sababo sambabkeena:

  • Wuxu dhaawacaa sambabka iyo xuubabka sambabka kuwaas oo aan dib u soo laaban
  • Wuxu sababaa caabuqyada ( infections ) ku dhaca sambabada sida TB , oofta iyo qufac dherer.
  • Wuxu sababaa kansarka sambabada
  • Wuxu sababaa xanuunada waqtiga dheer ee sambabada sida xiiqda , emphysema, iyo brochitis oo ah xanuuno ku dhaca sambabka
  • Chronic obstructive pulmonary disease (copd): wadar xanuuno ah oo sambabka ku dhaca

Waxyeelada dhalaanka , caruurta iyo dhalinyarada 

Ilamaha yari waxa uu ku dhalan karaa sambabadiisa oo koriin lahayn hadii hooyadu sigaar cabto xilliga uurka.

Caruurta waidkood ama daryeelayaashoodu sigaarka cabaan waxay la kulmaan xaalado caafimaad daro oo ka sareeya kuwa aanay cabin waxana ka mida :

  • Qufac iyo hindhiso
  • TB iyo xiiq
  • Oof iyo shaqada sambabka oo yaraata
  • Bronchitis iyo emphysema oo ah xanuuno ku dhaca sambabada
  • Sambabada oo koriwaaya Iwm.

Dhibaatooyinka taranta ee cabista sigaarka

Sigaarku waxa kale oo laga yaabaa inuu gacan ka gaysto bacriminta iyo heerarka hoormoonada jinsiga ee ragga iyo dumarkaba , taas oo sababta rabitaanka galmada oo yaraada

Dhibaatoyinka dhalmada hooyada ee sigaarka

  • Ilamaha oo xili hore dhasha dhicis
  • Miisaanka ilmaha oo hooseeya
  • Xanuunka dhimashada degdega xilliga dhalmada
  • Ilamaha oo ku abuurma makaanka debediisa ectopic pregnancy 
  • Afka iyo dibnaha dildilaaca ilmaha

Sigaarka iyo hab-dhiska dhiiga 

Sigaarku waxa uu wax yeelaa ama dhaawacaa dhamaan hab-dhiska dhiiga waxa ka mida meelaha uu dhaawaco, wadnaha , halbowlayaash iyo xididada dhiiga waxana uu qofka ku sababa xanuunadan soo socda .

  • Wadne xanuun
  • Wadne istaag
  • Istoroog 
  • Xanuunada halbowlayaasha iyo xidida dhiiga

Cabista sigaar iyo maqaarka 

Sigaarku wuxu saamayn xun ku leeyahay maqaarka , timaha iyo cidiyaha.

Waxyaabaha qiiqa ah ee ku jira sigaar waxay debelaan qaab dhismeedka maqaarka.

Maqaarka -skin

  • Dhaawaca maqaarka ee deg-dega ah la xidhiidha gabowga
  • Wuxu badiyaa laalaayada maqaarka
  • Nabarada maqaarka oo aan hore u buskan
  • Wuxu sare u qaadaa caabuqyada maqaarka ( skin infections )
  • Wuxu sababaa kansarka maqaarka

Sigaar cabista iyo tiamaha 

Sigaar cabistu waxay ay waxyeeshaa timaha qofka waxan ka mida waxyaabahan soo socda :

  • Vasoconstriction :waa xanuun dadka timuhubka daataan 
  • Wuxu saameeyaa hoormoonada iyo DNA da kuwaas timaha xidhiidh wayn la leh

Cabida sigaarku sidoo kale faraha iyo cidiyaha waxay ku sababtaa infekshinada fangaha

Cabista sigaarka iyo dheefshiidka 

Cabista sigaarku waxay siyaabo kala duwan u dhaawacdaa dheefshiidka waxana ka mida:

  • Wuxu sare qaadaa khatarka xanuunada dheefshiidka 
  • Wuxu kanser ku sababaa dhamaan xubnaha dheefshiidka sida afka, carab, hunguriga, ganaca, beerka, mindhicirada, iyo malawadka

Cabista sigaarku waxay saamaysaa sidoo kale insulin ta jidhka taas oo qofka ku sababta xanuunka macaanka type2 diabetes. Iyo sidoo kale xanuun loo yaqaan periodontal disease kaas oo ku dhaca ciridka sababana infakshiniska ilkaha.

Cabista sigaarka iyo dhibaatooyinka lafaha

Cabista sigaarku waxay si xun u saamaysaa dhamaan shaqada iyo caafimaadka lafaheena waxana ka mida.

  • Waxa uu sare u qaadaa lafa xanuunka
  • Waxa uu yareeyaa buskashada lafaha
  • Wuxu sare u qaadaa jajabka lafaha
  • Wuxu yareeyaa miisaanka lafaha

Gunaanad

hadii cabista sigaarku sababto dhibaatooyinkan caafimaad ee aan soo sheegnay iska dayn tiisuna waxay ka hor-tagtaa ama yaraysaa dhibaatooyinkan caafimaad ee aan soo sheegnay oo dhan marka hadii aad cabto sigaar markaad akhristo maaqaalkan waxan rajaynayaa inaad go,aan cad ka qaadato.