You are currently viewing Fitamiin A: Faa’idooyinka caafimaad ee laga hello

Fitamiin A: Faa’idooyinka caafimaad ee laga hello

  • Post author:
  • Post last modified:January 2, 2024

Faa’idooyinka Fitamiin A

Vitamin A: waa fiitamiin ku milmi kara dufanka iyo nafaqooyinka lagama maarmaanka ah ee jidhka. Waxa uu muhiim u yahay koriinka, araga, qaybsanka unugyada jidhka, habka taranka iyo dufaaca jidhka.

Fitamiin A-ga sidoo kale waxa loo yaqaan ( retinol or retinoic acid): waxana laga helaa noocyo badan oo cuntooyinka ka mida sida khudaarta, cuntada galka leh caanaha iyo hilibka iwm. Isagoo kiniini ah (supplements) oo la liqana wuu leeyahay. 

Hadaba cunista cuntooyin leh xadi kugu filan oo fiitamiin A ah waxay ka hortagtaa khatarta calaamadaha yaraanshaha fiitamiin A-ga jidhka oo ay ka mid yihiin. In qofka timihu ka daataan, dhibaatooyinka maqaarka, Dhibaatooyinka araga iyo dufaaca oo nuglaada iwn.

Faa,idoonyinka caafimaad ee fiitamiin A-ga

Fiitamiin A-gu waxa uu jidhka u leeyahay faa,idooyin caafimaad oo lagama maarmaan u ah kuwaas oo ka mid yihiin kuwan soo socda.

  • Dufaaca jidhka ayuu ilaaliyaa
  • Habka taranka ayuu ilaaliyaa 
  • Waxa uu u fiican yahay araga indhaha
  • Waxa uu u fiican yahay caafimaadka wadnaha, sababka, kelyaha, iyo xubaha kale ee muhiimka ah
  • Caafimaad qabka maqaarka
  • Koriinka jidhka.
  • Waxa uu ka hortagaa sumowga jidhka

Ilaha ugu muhiimsan ee laga helo fiitamiin A-ga 

Ila ugu muhiimsan ee laga helo fiitamiin A-ga waxa ka mid ah kuwan soo socda:

  • Vegetables : khudraha cagaaran sida isbanijka, liinta, baradhada macaan, iyo kaarootaha.
  • Beerka 
  • Kaluunka iyo saliida kaluunka
  • Yellow fruits: sida cambaha iyo babayga 
  • Ukunta
  • Cambaha 
  • Cuntooyinka la diyaariyey ( fortified foods)
  • Tamaandhada 
  • Digirta madow
  • Jiiska
  • Basbaaska cas iwm.

Yaraanshaha fiitamiin A-ga (deficiency)

Yaraanshaha xadiga loo baahan yahay fiitamii A-ga jidhku waxay sababtaa Dhibaatooyin caafimaad oo fara-badan oo ay ka mid yihiin kuwan soo socda.

  • Maqaarka oo qalala, 
  • Indhaha oo qalala iyo araga oo daciifa 
  • Indha la,aanta habeenkii (night blindness)
  • Dhalmo la,aan ( infertility)
  • Koriinka daaha ama yaraada
  • Cuna xanuun iyo infekshinka ku dhaca laabta
  • Buskashada nabarada oo yaraata
  • Qaadista finanka maqaarka (acne)
gog

Xadi intee leeg oo fiitamiin A ah ayuu qofku baahan yahay.

Qiyaas ahaan fiitamiin A-ga waxa lagu cabiraa qiyaaska micro-grams (ug)hada dadka da,adoodu u dhexayso 19 ilaa 64 waxay u baahan yihiim.

  • Ragga: 700 (ug) maalintii
  • Dumarka: 600 (ug) maalintii

Hadii aad cunto xadi aad u badan oo fiitamiin A ah

Hadii uu qofku cuno xadi aad u badan oo fiitamiin A ah ama xadi gaadhaya 1.5 (mg) ama (1500.ug) mudo dheer wuxu waxyeelaa lafaha 

Sidoo kale hadii hooyada uurka le cunto cunto xadi fara badan oo fiitamiin A ah waxay uu waxyeeli karaa ilamaha yar ee uurka ku jira.

FG/: hadaba cunista cuntooyinka laga hello fiitamiin A-ga iyo la socodka fiitamiin a-ga jidhka waxay ka hortagaysa dhamaan Dhibaatooyinka caafimaad ee aan kor ku xusnay oo dhan.”