You are currently viewing Toonta: Faa’idooyinka caafimaad ee ay leedahay |wax ka ogow

Toonta: Faa’idooyinka caafimaad ee ay leedahay |wax ka ogow

  • Post author:
  • Post last modified:January 2, 2024

Table of Contents:

Faa’idooyinka Toonta

Toontu waa nooc ka mida qudrada loo yaqaan Allium (basasha) waxay si dhow ula xidhiidhaa basahsha waxay isugu xidhantahay xidhmooyin, xidhmadiina waxay ka kooban tahay 10 ilaa 20 xabo. Waxayna ka baxdaa meelo badan oo aduunka ka mida waa shay caan ka ah cunta karinta taas oo leh ur adag iyo dhadham macaan. Si kastaba ha ahaatee marka la eegayo taariikhda duuga ah isticmaalka ugu wayn ee toontu waxay ahay mid la xidhiidha faa’idooyinkeeda caafimaad iyo daawooyinka ku jira. Marka la eegayo isticmaalka toonta waxa si wanaagsan u diwaan geliyay xadaarado waawayn oo ay ka mid yihiin sida masaarida, baabiyloon, giriig, roomaan, iyo shiinaha kuwaas oo leh xadaarado qadiima.

Saynisyahanadu is waxay isla wada qirsan yihiin faa’idooyinka caafimaad ee toonta kuwaas oo laga helo hadii qofka cunto ku darsado iyo hadii calashado labadaba. Waxana ku jira toonta maadooyin muhiima oo ka mid yihiin ku loo yaqaan  allicin, disulfide, systeine kuwaas oo jidhka ku saamayn boyooloji oo balaadhan.

1. Faa’idooyinka caafimaad ee toontaToontu waa nafaqo aad u saraysa waxayna lee kalooriyooyin aad u yar

 halka xidhmo ee toonta ahna waxa ku jira. Manganese 2% , vitamin B6 2%,  vitamin c 1% , selenium 1% fiber 0.06 grams. Protein 0.2 gram. Kuwaas oo jidhku ugu baahan yahay si maalinle ah

2.Toontu waxa aya caawisaa ka hortaga cudurada

 kaabista toonta ayaa lagu yaqaan inay kor u qaado shaqada habka difaaca jidhka. Daraasad wayn oo la sameeyay taas oo socotay mudo 12 todobaad ah ayaa lagu ogaaday in kabka toonta ee maalinlaha ah ay hoos u dhigtay 63% khatarta inuu hargab kugu dhaco marka loo and eego qofka aan isticmaalin toonta.

3. Maadooyinka ku jira toonta waxa ay hoos u dhigaan cadaadiska dhiiga

cudurada wadnaha iyo xidada dhiiga sida wadne istaaga iyo isterooga waa xaalado ka mida waxyaabaha sababa dhimashada ugu badan xiligan la joogo. Waxa ka mida waxyaabaha ugu muhiimsan ee xanuunadan keeni cadaadiska oo sare u kaca iyo dhiig-karka. Hadaba daraasado la sameeyay waxa lagu ogaaday in toontu ay saamayn wayn ku leedahay dhimista cadaadiska dhiiga. Mid ka daraasadahan ayaa shaaca ka qaaday in 600-1500 mg oo laga soo saaray toonta ay waxtar u leedahay dhimista cadaadiska dhiiga  si la mida daawada Atenolol ee loo isticmaalo dhimista cadaadiska dhiiga .

4. Toontuw waxa ay ka kooban tahay maadooyin ama isku-dhisyo leh daawooyin awood leh

 sida disulfide and s-allyl cysteine kuwaas door muhiim ah ka ciyaara kor u qaadista difaaca jidhka, dheefshiida iyo shaqooyin caafimad oo muhiim ah.

5. Toontu waxay dejisaa heerar kolestoroolka jidhka taas oo hoos u dhigi karta khatarta cudurada wadnaha

toontu waxa ay hoos u dhigi kartaa wadarta guud ee duxda jidhka LDL kolesteroolka. hadaba qofka qaba kolesteroolka sare, kaabista toontu waxay hoos u dhigtaa kolestoroolka jidhka 10-15% 

6. Toonta waxa ku jira antioxidants kuwaas oo kaa caawin kara ka hortaga cudurada ilawshiihaha iyo asaasaqa

 waxyeellada ka timaada waxyaabaha  pjidhka sumeeya waxay gacan ka gaysataa habka gabowga, hadaba toontu waxay ka kooban tahay antioxidants kuwaas oo jidhka ka taageera ka hortaga sumawga waxay ka yaraysaa gabowga iloowshiiyaha iyo asaasaqa.

7. Toontu waxay kaa caawin kartaa inaad noolaato waxqati dheer

 inagoo ah dad islaam ah oo og in aan xilligeena dhimayno hada toontu waxay yarayn kartaa waxyaabaha sababa dhimashada deg dega ah cudurada wadnaha, xanuunada faafa, iloowshiiyaha deg dega ah, gabowga, difaaca oo ay sare u qaado.

8. Toontu waxay xoogisa awooda ciyaaraha iyo adkaysiga jidh ahaaaneed

 toontu waa mid ka mida maadooyinka waxqabadka naf ahaaneed kor u qaada ee ugu horeeya. dhaqamadii hore ee qadiimka ahaana waxa loo isticmaali jiray si loogu yareeyo daalka sarena loogu qaado awooda shaqo gaar ahaan waxa la siin jiray ciyaartooyda olombikada ee giriigii hore. Daraasado badan oo la sameeyayna waxay cadeeyeen in toontu caawiso jimicsiga jidhka.

9. Cunista toontu waxay jidhka ka caawisaa in ay toonta ka saarto sida. biraha culus

toontu waxay yaraysaa khatarta sumowga jidhka ee ka jimaada dhaawacyada biraha sida biraha baabuurta, daraasad  4 todobaad ah oo lagu sameeyay shaqaalaha warshada baytariyada baabuurta kuwaas oo ay si xad dhaafa u soo gaadhay sunta birta baytariyadu ayaa lagu ogaatay in toontu hoos u dhigi karto 19% sumowga birta ee jidhka.

10. Toontu waxay sare u qaaadaa caafimaadka lafaha

 toonta waxay ka hortagtaa xanuunada ku dhaca lafaha waxay kordhistaa estrogen dumarka taas oo muhiim u ah lafaha.

pexels cats coming 750948

FG/: xogahan aan kula wadaagnay oo dhan waxan ka soo xiganay illo badan oo lagu kalsoonyahay waana wax aduunka oo dhan isla qaatay .
Hadaba toonta helideeda iyo isticmaalkeedaba aad bay u fududay waxana badanaa lagu darsadaa cuntooyinka iyo maraqyada taas oo u samaysa ur macaan.
> sidoo kale maskaxda ku hay inay jiraan waxyaabo badan hoos u dhigaya in qofku cuno toonta waxana kamida sida inay qofka kasoo urto, hadii aad ku leedahay xasaasiyaad, hadii aad leedahay cillad dhiig-bax ama aad qaadato daawooyinka khafiifiya dhiiga la hadal dhakhtaarkaga ka hor intaanad cunin toonta.