You are currently viewing Xasaasiyada: waxyaabaha kiciya iyo sida loola tacaalo

Xasaasiyada: waxyaabaha kiciya iyo sida loola tacaalo

  • Post author:
  • Post last modified:January 16, 2024

Waa maxay xasaasiyadu ?

Xasaasiyadu (allergy): waa marka jidhku ka falceliyo shay caadi ahaan aan dhib lahayn sida manka, dhaska, dhogorta xayawaanka iyo cuntooyinka qaar iyo waxyaabo kale kuwaas oo sababa calaamado aan inta badan khafiifa lkn marka qaar khatar noqon kara.

Xasaasiyadu waxay dhacdaa marka unugyada difaaca jidhku uu ka falceliyo walax jidhka debeda kaga timi (foreign body). oo ay ka mid yihiin waxyabaha aan kor ku soo xusnay. Markaas nidaamka dufaacu wuxu soo saaraa maadooyin loo yaqaano unugyada jidhka kuwaas oo muujiya astaamaha xasaasiyada jidhka calaamadaas oo noqonka kara kuwa wayeelo jidhka ku sababa, mararka qaarna waxyeelo wayn ma sababaan.

Waxyaabaha sababa xasaasiyada (allergy).

Xasaasiyada waxay ay dhacdaa marka difaaca jidhku uu ku khaldo shay asal ahaan aan dhiblahayn oo ku soo fuulay markaas oo unugyada difaaca jidhku sii galaan digtooni kadib marka uu mar danbe dareemo waxa uu difaaca jidhku soo daayaa kimikooyin sida histamine kuwaas oo muujiya calaamadaha xasaasiyada.waxyaabaha ugu muhiimsan ee kiciya xasaasiyada waxa ka mida:

  • Xasaasiyada hawo mareenka: sida manka dhirta, dhogorta xoolaha, boodhka, caaryada xadhkaha iwm
  • Xasaasiyada cuntooyinka: sida lawska, caleenta iyo geedka sareenka, kaluunka qolofta leh, ukunta iyo caanaha
  • Qaniinyada cayayaanka sida shinida iyo cayayaanada kale
  • Daawooyinka qaar Sida penicillin iyo dawooyinka caabuqa lagaga hortago ee laga sameeyo penicillin 
  • Waxyaabo aad taabato kuwaas oo sababi kara falcelinta maqaarka
ul3

Calaamadaha iyo astaamaha xasaasiyada

Calaamadaha xasaasiyadu waxa ay ku xidhan yihiin badanaa waxyaabaha sababay waxayna saameeyaan marinada hawada, sanka, iyo marinada sanka, maqaarka iyo habka dheefshiidka. Habka jidhku uga falceliyo waxyaalaha sababa xasaasiyadu waxay noqon kartaa mid fudud ama mid culus labadaba.xaaladaha daran qaarkood falcelintu waxay sababi kartaa falcelin nafta halis gelin karta loo yaqaan anaphylaxis.

  • Hay fever: sidoo kale waxa loo yaqaan allergic rhinitis kaas oo qofka ku sababta sida hindhiso, cuncunka sanka, afka, duuf badan, cabudh, indhaha oo casaada ama barara
  • Xasaasiyada cuntadu sababto: waxa ka mida astaamaheeda sida. Afka , cunaha, bishmaha iyo carabka oo qofka cuncuna oo barara iyo xalada loo yaqaaan anaphylaxis oo ah mid aad u khatara
  • Xasaasiyada qaniinyada cayayaanka. calamadaheeda waxa ka mida sida qaybo ka mida jidhka oo barara siiba meesh qaniinyada,cuncun jidhka oo dhan ah, qufac, laabta oo qofka adkaata. Hiinraag iyo neesashada oo qofka ku adkaata
  • Xasaasiyada dawooyinka calamadaheeda waxa ka mida . Cuncun meela gaar ah iyo jidhka oo dhan, finan jidhka ka soo baxa, wajiga oo qofka barara, hiinraag iyo xaalada loo yaqaan anaphylaxis 
  • Atopic dermatitis sidoo kale waxa loo yaqaan eczema. waxa ka mida calaamadihiisa kuwan soo socda sida. Cuncun, maqaarka oo casaada, barara , nabaro iyo jilif maqaarku yeesho
  • Anaphylaxis: waa xaalad aad u daran taas oo ay saababto xasaasiyadu waxana ka mida calaamadaheeda. Miyir beel, cadaadiska dhiiga oo hoos u dhaca, neef qabad aad u daran, finan maqaarka ka soo baxa, garaaca wadna oo daciifa deg degna noqda, hunqaaco iyo yalaalugo.

FG/: hadaba calaamadaha xasaasiyadu waa ay kala duwan yihiin waxana aay ku xidhan yihiin walxaha sababay hadaba hadii aad isku aragto xaaladaha aadka u daran ee xasaasiyada sida neef qabasho, finanka maqaarka hunqaaco iyo yalaaligo iyo wixii la mida waa inaad is deg deh ah ula xidhoidhaa goobaha caafimadka ee kugu dhow.

Khatara kugu sababi kara xasaasiyada

Waxyaabaha kordhin kara khatar xanuunka xasaasiyada inaad qaado waxa ka mida, hadii qof qoyskaaga ka mid ah  uu leeyahay xiiq ama xasaasiyaad, hadii aad leedahay xiiq ama xaalad xasaasiyada oo kale , ciyaalku way u nugul yihiin inay qaadaan xasaasiyada.

Habka loo daaweeyo xasaasiyada

Habbabka loo daaweeyo xasaasiyada waxa ka mida.

  • Inaad isku daydo inaad ka fogaato shayga xasaasiyada ku leedahay markasta oo ay suurta gal tahay, 
  • Inaad qaadato dawooyinka ka hortaga falcelinta xasaasiyada Sida antihistamines, kiniinada steroids iyo kiriimada steroids ee dhakhaatiirtu bixiso.
  • Daawooyinka deg dega ah loo yaqaan adrenaline auto injections sida epipen ee loo isticmaalo falcelinta xasaasiyada daran
  • Dareen-celinta (immunotherapy). Ee falcelinta xasaasiyada daran, tani waxa ay ku lug leedahay in si taxadarle laguugu soo bandhigo waxa aad xasaasiya ku leedahay waqti kadib, markaa jidhkaagu si tartiib tartiib ah ayuu ula qabsanayaa oo si xun ugama falcelinayo. Taasna waxa samayn kara keliya xirfadle caafimaad

Waxyaabaha aad ka dhaxli karto xasaasiyada

Hadii aad leedahay xasaasiyad waxa ay kordhinaysaa inaad yeelato Dhibaatiynka caafimaad ee ay ka mid yihiim. 

  • Anaphylaxis: hadii aad leedahay noocan xasaasiyada ah ee loo yaqaan xasaasiyada daran waxa aad khatar dheeraada ugu jirtaa falcelinta xasaasiyada ba’an ee ay sababaan cuntooyinka, qaniinyada cayaanku.
  • Xiiqda ama neefta: hadii aad leedahay xasaasiyad waxay u badan tahay inaad qaadid neef ama xiiq taas oo falcelinteedu saamayso habdhiska neefsiga.taas oo kiciyaan ama saameeyo deeganka iyo walxaha nagu xeeran.
  • Sanboor, infakshinka dhegaha iyo sanbabada: hadii aa leedahay xasaasiyada wax khatar ugu jirtaa inaad qaado sanboor, xanuunada ama caabuqyada ku dhaca dhegaha sababka iyo habdhiska hawo mareenka oo idil.

Sida looga hortago xasaasiyada 

Ka hortaga falcelinta xasaasiyada waxa ay ku xidhan tahay nooca xasaasiyada ee aad leedahay. Talaabooyinka guud ee lagula tacaalo waxa ka mida kuwan soo socda.

  • Ka fogoow waxyaabaha xasaasiyada kiciya ee la yaqaan. Xitaa hadii aad iska daawayso calaamadaha xasaasiyada ka fogoow waxyaabaha kugu kiciya, tusaaale ahaan hadii aad leedahay xasaasiyada dhirta iyo manka isku day inaad ka foogatobinay ku taabtaan manka iyo dhirta kugu kiciya.
  • Xuus qor samee: markaad rabto inaad ogaato waxyabaha kugu sababa xasaasiyada iyo sida ay uga sii darto la soco la soco dhaqdhaqaaga iyo waxa aad cunayso iyo calaamadaha tani waxay kaa caawinaysaa adiga iyo dhakhtarkaaga inaad ogaataan waxyaabaha kugu kiciya xasaasiyada si fududka wa uga dheeraan kartaa.
  • Hadii aad leed falcelin xasaasiyad oo daran ku leedahay silisyada iyo waxyaabaha gacmaha la gashto ee biraha laga sameeyay fadlan ka fogoow, hadii dareento inad ku leedahay si dhakhso ah ula xidhiidh goobta caafimaad ee kuugubdhow.