You are currently viewing Daryeelka wajiga saliida leh iyo waxyaabaha ku haboon

Daryeelka wajiga saliida leh iyo waxyaabaha ku haboon

  • Post author:
  • Post last modified:November 28, 2023

Maqaarkeenu waxa uu soo daayaa saliid taas oo ka ilaalisa qalalka iyo jajabka taas ka qayb qaadaya qashin-saarka maqaarka , nafaqadiisa iyo ilaalintiisa oo dhib keeni karta hadii ay badato iyo hadii ay yaraaba hadaba waxan maaqaalkan kaga hadlaynaa siyaabaha lagu ilaaliyo lagaga hortago saliida wajiga ka faa’idaysi wacan.

Waxyaabaha keeni kara saliida wajiga in badato

Hadaba waxa jira waxyaabo badan oo sababa in wajigagu ama maqaarkaagu noqdo mid saliid leh waxana ka mida, waxyaabo kala hidaysto oo qofku waalidkii ka dhaxlo, cuntooyinka, welwelka, bay’ada ama deegaanka, da’ada, dal-daloolada wajiga ciladi ku timaado, iyo dheecanada jiidhka.

Siyaabaha loogu hortago saliida wajiga

Badanaa way adag tahay in qofku ka takhaluso saliida wajiga lkn waxa jira habab iyo dabeecado aad kaga taxaderayso inaad yarayso saliida wajiga kuwaas oo loo baahan yahay in loo sameeyo si taxane ah.

Waxyaabaha ugu badan ee saliida wajiga lagu yareeyo waxa waraaqo wajiga lagu dhejiyo kuwaas wajiga saliida ka nuugta kuwaas oo badanaa laga helo meelaha lagu iibiyo waxyaabaha laysku qurxiyo. Inaad istcmaasho waxyaabaha wajiga lagu nadiifiyo kuwo ku habeen wajigaaga, kiriimada suubanaha iyo wixii la mida

Hadii ay keentay saliida wajiga xaalad caafimaad waxad u baahan tahay inaad la tashatid dhakhtar maqaarka ah.

Sida loo daryeelo wajiga saliidu ku badan tahay

Tallaabada ugu fiican ee aad ku xakamayn karto maqaarka dufanka lihi waa inaad hagaajiso daryeelka maqaarkaaga oo aad samayso qaabab iyo hab-nololeedka kugu haboon ee aad kaga hortagi kartid dufanka maqaarka.

Isbedelada togan ee ku xakamayn karto dufka wajiga waxa ka mida kuwan soo socda:-

1. Dhaq wajigaaga malintii laba jeer iyo jimicsiga ka dib.

Waxad u baahantay inaad wajigaaga dhaqdo maalintii laba jeer iyo markasta oo aad jimicsi ka timaado adigoo isticmaalaya nadiifiye fiican oo maqaarkaaga ku haboon taasi waxay kaa caawinaysaa inaad xakamayso saliida wajigaaga.

2. Iska ilaali waxyaabaha wajigaaga saliida ku badinaya

Marka aad dhaqdo wajiga kadib iska ilaali waxyaabaha dufan badan ku sababaya maqaarkaaga, isticmaal abloobyin qafiifa, aan dufan lahayn, urna aan lahayn, kuna haboon maqaarkaaga.

3. Aad ha u xoqin wajiga marka aad nadiifinayso

Marka aad dhaqayso wajigaaga iska ilaali inaad xoog u xoqdo waayo wajigu marka la cariyo ama la xoqo waxa uu soo daaya ama kaga jawaabaa saliiid farabadan.

4. Isticmaal waxyaabaha maqaarka ilaaliya

Marka aad wajiga nadiifo ka dib isticmaal looshinada, kuwa wajiga lagu dhijiyo kuwaas maqaarka ku ilaaliya inuu ahaado mid dabacsan oo degan.

 5. Istmaal waxyaabaha maqaarka qoya iyo ku cadceeda ka ilaaliya

Waxyaaba ugu waawayn ee sababa dufanka wajiga waxa ka mida maqaarka oo qalala markaa wajiga oo aad ka ilaalio qalalba waa sabab wayn oo aad kaga hortegi karto dufanka wajiga, sidaa si lamida qoraxdu marka ay wajiga ku dhacdo waxa ay wajiga ka dhigaysaa mida cadhaysan oo aan degan taas oo wajiga ku sababaysa inuu soo daayo dufan fara-badan markaa istimaalka kiriimada qoraxdu waxay ka qayn qaadanayaan xakamaynta dufanka wajiga.

6. Ka ilaali maqaarkaaga fuuq-baxa

Markasta oo maqaarkaagu fooq-baxo waxa uu noqonayaa mid qalalan, jilicsan taas oo sababaysa qajidhada loo subkotaaniyoos ee maqaarku cartaan soo na daayaan dufan fara-badan.

7. Isticmaal alaabaha maqaarka lagu daryeelo ee ku haboon maqaarkaga

Waxa aad u muhiima inaad ka digtoonaato maadiyinka ku jira alaabaha maqaarkaaga iyo waxyaabaha lagu qurxiyo.

Waa inaad barataa dabeecadaha maqaarkaaaga mad qalalan baa, mid dufan leh baa, sidaa si la mida aad barataa waxyaabaaha ku haboon maqaarkaga, sida noocyada saliidaha, kiriimada, saabuunaha, iyo waxyaabaha kale maqaarka lagu daryeelo.

8. Ha taataan wajigaaga marka aad caadi isaga joogto

Taataabashada wajigu waxa ay sababi dhibaatooyin oo maqaarka ku iman kara sida in aad bakteeriya iyo wasakh maqaarka ku taabato iyo dufanka walijga laftiisa in aad wajiga ku faafiso.

Sidaa la mida waxa muhiin marka qofku wajiga nadiifinayo inuu gacmaha iska sii dhaqo ka hor intaanu bilaabin.

F/G: ahadii hab-isbedelada nololeed, alaabaha ku haboon, cuntooyinka, iyo daryeelka joogtada ah wajigaagu uu wax ka bedeli waayaan dufanka maqaarkaga waxad u baahan tahay inaaad la kulanto dhakhtar maqaarka ah.