You are currently viewing Faa’idooyinka Caafimaad Ee Boorashka.(oats)

Faa’idooyinka Caafimaad Ee Boorashka.(oats)

  • Post author:
  • Post last modified:July 1, 2024

Boorashku: waa mid ka mida cuntooyinka midhaha ee loo yaqaan (grains) ama fiber cuntooyinka qolofta leh kuwaas oo muhiimad sare u leh dheefshiidka jidhka , boorashku waxa uu ka mid yahay cuntooyinka galka leh kuwooda ugu caafimaadka badan waxa uu ka kooban yahay macdano muhiima, fiber, antioxidants, sidoo kale waa ilwayn oo muhiima oo laga helo fiitamiino badan. 

Hadaba boorashu waa cubto dhadhan wacan kaas hadii sidiisa midho ahaan loo kariyo qaadan ka kara waqti dheer lkn dadku waxay door bidaan marka la burburiyo ama la shiido sababta oo ah marka waxa uu qaata waqti yar waxana aad ku karsan kartaa caano ama biyo kulul, badanaa dadku waxay ay cunan xiliga quraacda.

Sidoo kale boorashka waxa lagu daraa cuntooyinka fufud iyo macmacaanka sida keega ama doorshaha, buskulka, sharaabada iyo wixii la mida. 

Faa’idooyinka caafimaad ee boorashka

Hadaba akhriste halka waxan kuugu soo gudbinaynaa qaar ka mida mida faa’dooyinka caafimaad ee laga hello cunista boorashka kuwaas oo ah wax cad oo laysla wada qirsan yahay waxana ka mida kuwan soo socda.

Boorashka waxa laga helaa nafaqooyin badan

Macdanaha, nafaqooyinka, iyo fiitamiinada laga hello boorashkaw waa kuwo isku dheeli-tiran waana il wayn oo laga hello carbonhydrate-ka, fiberka, protein iyo amino acids kuwaas oo jidhku u baahan yahay.

Waxanaga la ogaaday in koob badhkii ( 78 gram) oo boorash qalalan ah ay ku jiraan. 

  • Manganese: 63.91% xadiga maalinlaha ah
  • Phosphate: 13.3% xadiga maalinlaha ah
  • Magnesium: 13.3% xadiga maalinlaha ah
  • Cooper: 17.6% xadiga maalinlaha ah
  • Iron: 9.4% xadiga maalinlaha ah
  • Zinc: 13.4 xadiga maalinlaha ah
  • Folate: 3.24 xadiga maalinlaha ah
  • Vitamin B1( thiamine): 15.5 X. Maalinlaha ah
  • Vitamin B5 ( pantothenic): 9.07 X. Maalinlaha ah

Waxa kale oo ku jira xadi yar oo potassium, calcium, vitamin B3, iyo vitamin B6 ah kuwaas oo dhamaantood muhiim u ah caafimaad qabka jidhka.

Boorashku waxa uu qani ku yahay antioxidants 

Boorashku waxa uu ka kooban yahay maadooyin ka hortaga sumowga jidhka  waxana ku jira maadooyin yareeya caabuqa jidhka iyo cuncunka sidoo kale waxa uu dejiyaa ama yareeyaa cadaadiska dhiiga (blood pressure).

 boorashku waxa uu ka kooban yahay fiber

Boorashka waxa ku jira fiber aad u xoog badan kaa oo yaqaan beta-glucan kaas oo ah fiber waxlaha kale ku milmi kara (soluble fiber).

Waxana uu leeyahay faa’idooyin caafimaad oo aad u muhiima oo ay ka mid yihiin .

  • Waxa uu yareeyaa ama ilaaliyaa xadiga dufanka jidhka (LDL. cholesterol ).
  • Wuxu yareeyaa sonkorta dhiiga isagoo taageera soo daynta maadada insulin ee maamusha sorkorta dhiiga.
  • Waxay sare u qaadaa dheefshiidka.

Wuxu hoos u dhigaa dufanka jidhka

Cunista boorashku waxay hoos u dhigtaa dufanka ku jira dhiiga sidaan horeba u soo sheegnay waxa ku jira maado ilaalisa ama yareeysa xadiga dheeradka dufanka dhiiga, taas oo hortegaysa wadne xanuunka kaas oo ah mid ka mida cudurada ugu badan ee dila dadwaha caalamka waqti xaadirkan.

Waxa  uu yareeyaa sonkorta dhiiga

Dhibaatoyinka ugu badan ee dadka haysa waqti xaadirkanka waxa ka mida xanuunka macaanka , nooca 2aad kaas oo la xidhiidha sonkorta dhiiga oo aan jidhku kontarooli karin ama ilaalin karin hada boorashku wuxu ka hortagaa xanuunka macaanka iyo gebi-ahaanba sonkorta dhiiga waxana ku jirta maado sare u qaadaa soo daynta insulin oo ah maadada burburisa sonkorta dhiiga.

Waxa uu yareeyaa miisanka badan

Boorashku waxa uu ka mid yahay cuntoodiynka ilaaliya ama yareeya miisaanka jidhka, waxana uu ka mid yahay cuntooyinka markiiba laga dhergo waxa ku jirta maado loo yaqaan beta-glucan taas cariso in la soo daayo peptide oo ah dheecaanka ka jawaaba dherega, taasna waa sababta uu u yareeyo miisaanka.

Waxa uu kor u qaadaa caafimaadka maqaarka

Cunista boorashka waxa laga helaa faaidooyin caafimaad oo fara-badan oo dhnaka maqaarka ah waxana ku jira maadooyin yareeya caabuqa, cuncunka iyo cudurada maqaarka waxana uu hadii la joogteeyo noqon karaa daawo xanuunada maqaarka ku dhica siiba cuncun iyo caabuqyada.

Waxa uu ka hoortagaa xiiqda ama neefta xiliga caruurnimada

Xiiqdu ama neeftu waa mid ka mida xanuunada jiitama ee caruurta ku dhaca, waana xanuun ku dhaca tuubooyinka hada qaada ee sanbabkeena waxana ka mida astaamihiisa qufac, hiinraag, iyo neefta oo qabata qofka.

Hadaba boorashka oo ciyaalka la siiyo marka ay 6 bilood gaadhaan waxa uu ka hortagaa xiigta sida lagu ogaadey baadhitaano la wada aqoonsadey.

Waxa uu ka hortagaa calool istaaga 

Hadaba boorashku waxa uu ka hortagaa calool istaaga maada uu ka kooban yahay fiber maadooyinka kale ku milmi kara.

This Post Has One Comment

Comments are closed.