You are currently viewing Faa’idooyinka caafimaad ee qaraha ama xabxabka

Faa’idooyinka caafimaad ee qaraha ama xabxabka

  • Post author:
  • Post last modified:December 10, 2023

Qaraha ama xabxabka sidaa u taqaanba waxa la aaminsan yahay in markii ugu horaysay 4, sano ka hor lagu beeran jiray waqooyiga afrika, qaruhu hadaba waa khudaar wayn oo wareegsan oo leh qolof sare oo cagaar ama doog ah kaas marka la kala jaro hoosta ka ah casaan dhalaalaya.waxan uu hodan ku yahay nafaqooyin ay ka mid yihiin, antioxidants (walxaha jidhka sumowga ka ilaaliya.) fiitamiin A iyo C.

Hadaba waxaan ka sheegi doonaa Faa’idooyinka caafimaa ee ugu muhiinsan ee laga hello xabxabka ama qaraha, waxana ka mida.

Qaruhu waxa uu jidhka ka ilaaliyaa kfuuq-baxa 

Joogtaynta biyaha jidhka ama ka ilaalinta jidhka fuuq-baxa waxay ay muhiin u tahay in jidhkaagu si haboon u shaqeeyo. Nadaaminta heer-kulka jidhka, shaqada caadiga ah ee xubnaha, nafaqaynta unugyada, iyo feejignaanta ayaa keliya qaar ka mida hababka kaliya ee uu jidhku ugu baahan yahay biyo ku filan, qaruhuna wuu ilaaliyaa sarena wuu u qaadaa.

Cunista cuntooyin ay ku badan yihiin biyaha waxay ay kaa caawinyaan siinta jidhkaaga biyo uu u baahan yahay iyo inuu si sax ah u shaqeeyo. Hadaba qaruhu waxa uu ka kooban yahay 92% biyo taas oo ka dhigaysa doorashada ugu wayn ee qaadashada biyaha maalinlaha ah, intaa waxa dheer inuu leeyahay xad aad u yar koloriis ah, taas ka dhigaysa uu qaruhu sidoo kale yareeyo miiska maada ay cuntooyinka koloriis yar leh miisaanka hoos u dhigaan.

Waxa uu ka kooban yahay nafaqooyin macdano faa’ido badan.

Qaraha waxa ku jira nafaqooyin kala duwan oo ay ku jiraan potassium, magnesium, iyo fiitamiinada A iyo C waxa taas badalkeeda aad ugu yar koloriiska.

Halkan ka arag naqafooyinka ku 1 koob ee qaraha ah (152 gram).
  • Calories: 46
  • Carbs: 11.5 grams 
  • Fiber: 0.6 grams 
  • Sugar: 9.5 grams 
  • Protein: 0.9 grams 
  • Fat: 0.2 grams 
  • Fiitamiin A: 5% xadiga maalinlaha ah
  • Fiitamiin C: 14% xadiga maalinlaha ah
  • Potassium: 4% xadiga maalinlaha ah
  • Magnesium: 4% xadiga maalinlaha ah
17E3E0A0 1E89 4903 B490 20ECC0918CA8

Qaruhu sidoo kale waa il muhiim ah oo laga hello madada  loo yaqaan citrulline, taas oo amino-acids muhiim u ah ama wanaagisa waxtar jimicsiga jidhka. Sidoo kale waxa ay ka hortagtaa walaxaha jidhka ku sababa sumowga kuwaas oo qofka ku sababi kara, macaan iyo wadne xanuun, kelyo xanuun, kansar iyo xanuuno kale.

Waxa uu ka hortagaa kansarka

Dhowr maado oo laga hello qaraha ay ka mid yihiin lycopene, cucurbitacin E waxa ay leeyihiin saamayn liddi ku ah kansarka. Natiijooyin ka soo baxay daraasado isku dhafan oo la sameeyay ayaa sheegaya qaadashada maadinkan ku jira qaraha inay soo u dhigaan khatarta kansarka ku dhaca jidhka qaasatan kuwa ku dhaca qanjidhka borostate ka iyo mindhicirka. 

Lycopene: ayaa la aaminsan yahay inay ka shaqayso hoos u dhigista heerarka dhiiga ee koritaanka insulin sida koritaanka factor (IGF). Oo sare u qaada qaysanka unugyada waxa xusid mudan in kansarku ka bilaamo kala qaybsanka unugyadu ay noqoto mid aan la xakamayn karin. Intaa waxa dheeer cucurbitacin waxay ka hortagtaa koritaanka burooyinka kuwaas oo sare u qaada koritaanka kansarka unuugyada. 

Wuxu kor u qaadaa caafimaadka wadnaha

Nafaqooyin dhowr ah oo ku jira qaraha ayaa laga yaabaa inay kaa taageeraan caafimaadka wadnaha. Wadna xanuunku waa sababta ugu badan ee sababta waqti xaadirkan dhimashada ugu badan ee aduunka oo dhan,waxa xusid mudan in arrimaha hab-nololedledka sida cuntada ay hoos u dhigo karaan khatarta wadne istaaga, iyo isterooga adiga oo yaraynaya cadaadiska dhiigaaaga iyo heerarka kolostoroolka.

Daraasado la sameeyay ayaa soo gudbiyay in lycopene ay gacan ka geysato inay hoos u dhigto kolostoroolka jidhka iyo cadaadiska dhiiga waxana laga yaabaa inay caawiso ka hortaga sumowga jidhka ee ay keento heerarka sare ee kolostoroolka jidhka.

Xab-xabka waxa ku jira sidoo kale citrullin oo ah amino-acides oo kordhin kara heerar nitrik asiidhka jidhkaaga taas oo jidhka ka caawisa dejinta dhiiga waxay balaadhisa xidida dhiiga. Fiitamiinada iyo macdanaha kale ee wadnaha caafimadka u leh ee ku jira qaraha waxa ka mida potassium, magnesium, fiitamiin A, B6, C

Qaruhu sidoo kale waxa uu ka hortagaa caabuqa iyo walwalka

Caabuqyada ayaa ah sabab muhiim ah oo keenta cuduro badan oo daba-dheeraada, isku darka lycopene, antioxidants ka iyo fitamiin C-ga laga hello qaraha waxa ay kaa caawinayaaan hoos u dhigista dhibaatooyinka iyo khataraha antioxidants-ka, sidoo kale waxay dib u dhigaan soo ifbixida xanuunada ilowga iyo asaasaqa

Qaruhu wuxu ka hortagaa murqaha oo daciifa

Isku-dhafka lycopene ee laga hello qaraha waxay ay faa’ido u leedahay aragaaga.

Xiladaha la xidhiidha dhibaatooyinka dhanka araga xilliga da’da waxay keenaan dhibaatooyinka indhaha siiba  indho la’aan dadka waawayn. Habada lycopene oo ah antioxidant ayaa door mihiim ah ka ciyaarta inay yarayso khataraha kharaha dhanka murqaha muscular degeneration AMD.

Qaruhu waxa uu ka hortagaa xanuunada murqaha

Citrulline, oo ah amino-acids laga hello qaraha waxa ay qayb laxaadle ka qaadataa inay hagaajiso waxtar jimicsiga   Oo ay yarayso xanuunada murqaha. Waxa kale oo loo heli karaa kaabe ahaan, mid ka mida qaadashada joogtada ah ee citrullin ugu yaraan 7 maalmood ayaa lagu lagu ogaaday inay wanaajisay wax soo saarka jidhka ee nitric oxide taas oo ka caawisa wadnaha balaadhinta xidida dhiiga iyo inuu dhiiga jidhku wacan u shaqeeyo.

Waxa uu kor u qaadaa caafimaadka maqaarka

Fiitamiinada A iyo C ee laga hello qaraha ayaa muhiim u caafimaadka maqaarka, fiitamiin C marka la cuno ama meel la mariyo waxa uu jidhka ka caawiyaa inuu samaysto midabka, fiitamiinka ilaaliya maqaarka iyo ilaalinta timaha. 

Daraasad la sameeyay ayaa lagu ogaaday qaadashada fiitamiin C la liqo ama cutada lagu darsado inay yarayso laalaabyada maqaarka iyo qalal. Fitamiin A sidoo kale waxa uu muhiim u yahay caafimaadka maqaarka maadaama uu qayb ka qaato hagaajinta iyo samaynta unugyada maqaarka.

Waxa uu sare u qaadaa dheef-shiidka

Qaraha waxa ku jira biyo badan iyo xadi yar oo fayber ah labaduba waxay lagama maarmaan u yihiin dheef-shiidka caafimaadka leh. Fayberka iyo biyuhu waxa si firfircoon ugu caawiyaan mindhicirada socodka nuugista nafaqada iyo socodka saarista saxarada.

FG:/ hadaba qaraha waxa uu leeyahay faa’idooyinkan caafimaad ee aan kor ku soo xusnaynay iyo kuwo kale oo aan la koobi karin, meelkasta oo aduunka ka mida waa laga hella marka waxay kugula tallin in aad cutaada ku darsatid marka aad awoodo.